Booliska Dalka Itoobiya ayaa soo bandhigay Hub farabadan oo sharci darro lagu gelinayay gudaha dalka Itoobiya sida ay sheegeen laamaha amniga dalkaas.
Hubkan oo ay Booliska ku sheegeen 350 Baskooladood ayaa waxaa ay ku qabteen tuulada Awrora village, Degmada Tsegedie woreda ee Gobolka Ismaamulka Tigray .
Kabtan Eshete Awoke oo ah madaxa ciidanka amaanka ee Gobolka ayaa sheegay in Hubkan qabashadiisa ay suuragelisay iskaashi dhexmaray Ciidamada Gobolka iyo kuwa Difaaca Itoobiya.
Waxaa uu sheegay in Booliska ay xireen wadaha Gaari Isuzu oo uu hubka saarnaa iyo dad uusan tiradooda sheegin oo caawiyayaasha darawalka ahaa.