Kenya oo xabsi iyo dib u celin ku xukuntay shan Somali ah

by admin | Thursday, May 17, 2018 | 986 views

Dowladda Kenya ayaa xukun 2 Sano ah ku ridday shan Soomaali ah,waxaa kale oo Maxkamadda ay shantaas qof ku xukuntay in dib loogu celiyo Dalkooda.
Shanta qof ayaa ku muteystay xukunka Labada sano ee xabsiga ah in ay si sharci darro ah ku joogeen Kenya,sidaas darteedna ay muteysteen labo sano oo xarig ah.
Magacyada shanta qof ee Soomaalida ah ayaa kala ah; Fatuma Shukri, Nalsa Mohammed, Fathi Mohammed, Kaafi Hamed iyo  Hussein Fisal.
Dadkan waxaa la soo qabtay Jimcihii iyaga oo ku safrayay Waddada u dhaxeysa Kericho iyo Kisumu,waxaana ay ku eedeysan yihiin in aysan heysan Warqadda Oggolaanshaha joogitaanka Kenya iyo  midda dalka ku galka.

Wadahihii Gaariga ayaa isaguna si gaar ah loo xukumay waxaana lagu eedeeyay in dad ajannabi ah oo sahrci darro ku galay Kenya uu ka xeeynayay.
Maxkamadda waxaa ay sheegtay in kiiska dadkaas Soomaalida ah kama dambeys 25ka Bishan May ay Maxkamadda shaacin doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response