Ammaanka Kenya oo la adkeeyay & Weeraro Shabaab Maalmaha ciida ka geystaan oo laga digay

by admin | Tuesday, Jun 12, 2018 | 1047 views

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Kenya waxay sheegeen inay adkeeyeen Ammaanka qeybo ka mid ah Goballadda Xeebta iyo W/bari, kana digay inay Alshabaab qorsheynaayaan  weeraro ka geysteen Goballadaasi maalmaha Ciiddul-Fitriga ee foodda nagu soo hayso.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Idaacadda Capital FM ee Nairobi ayaa sheegay inay Ciiddamo dheeraad ah loo daabulay Dhul-kaymeedka Boni Forest iyo inta u dhexeysa Deegaanadda Witu iyo Mpeketoni oo laga cabsi qabo inay Alshabaab weerar ka geystaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Charles Owino waxa uu tilmaamay inay dadka Deegaanka u sheegeen inay Dagaalyahano Alshabaab ku sugan yihiin Kaymaha Boni Forest, Tana Delta iyo W/bari ee dalkaasi, wuxuuna carabaabay Saraakiisha hoggaaminaysa Dagaalamayaasha Alshabaabka ku sugan Kaymaha Boni ee u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegaan inay difaac kaga jiraan weeraro Alshabaab oo ku soo fool leh qeybo ka tirsan dalkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response