Qaraxyo loo diyaariyay xarunta D/Hoose ee Xamar oo laga war helay & Laamaha Amniga oo Tallaabo Qaaday

by admin | Monday, Jun 11, 2018 | 1090 views

War goordhow naga soo gaaray xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegaya in Ammaanka xaruntaasi aad loo adkeeyay lana dhigay ciidamadii joogay kuwo ka badan.
Ciidan Nabad sugid oo Wejiga u xiran yahay ayaa lagu arkayaa Waddooyinka laga galo xarunta Dowladda Hoose ee Xamar,kuwaasi oo gaadiidka xarunta galaya aad u baaraya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka ay diidayaan in gaadiidka qaarkood gudaha xarunta galaan,kuwaasi oo qaarkood ay iska leeyihiin shaqaalaha xarunta.

Illo xog ogaal ah oo la hadashay SHabakada reegaay.com,ayaa sheegaya in laga war helay warar sheegaya in Al-Shabaab qaraxyo la damacsan yihiin xarunta uu ku shaqeeyo maamulka Gobolka Banaadir.

Xogtaan oo ay heshay Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lala wadaagay laamaha amaanka Gobolka Banaadir oo ka dib u gudbiyay Saraakiisha Amniga xarunta Gobolka Banaadir,kuwaasi oo qaaday Tallaabo arrintaasi looga hortagayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horay u weeraray xarumo muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar,mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo dad Shacabka oo aan waxba galabsan.

Guud ahaan Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka muhiimka ah loona diiday iney gaadiidka adeegsadaan,inkastoo markii danbe amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya lagu qafiifiyay

Like it? Share it!

Leave A Response