Booliska oo faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii KAXDA

by admin | Wednesday, Aug 23, 2023 | 120 views

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay weerar qarax ku billowday iyo dagaal toos ah oo ay xalay As  ku qaadeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa xusay in weerarkaas oo ay As  u adeegsatay gaari laga soo buuxiyay walxaga qarxa ku qaadeen saldhigga degmada, balse waxa uu tilmaamay inay iska difaaceen ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Xasilinta ee Boolis Milataaro.

Doodishe ayaa xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay laba askari, laguna dhaawac saddex kale oo kamid ahaa ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray.

“Khasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah dhimashada laba askari oo kamid ahaa ciidankii halkaa Khawaarijta kula fal-galay oo ka difaacay iyo dhaawaca saddex kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu kooban yahay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, balse ay dhaawacyo fudud soo gaareen laba qof oo ay rasaasta ugu tegtay guryahooda.

“Xaafadaha saldhigga u dhowaa ayaa dadkii shacabka guryaha ugu tegtay rasaasta, sidaas daraadeed laba qof ayaa dadka shacabka ah dhaawac fudud ka ah” ayuu sii raaciyay.

Sadiiq Doodishe oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in jab xoogan la gaarsiiyay xubnaha As ee weerarka soo qaaday, ayna jiiteen meydad iyo dhaawacyo.

“Ciidamada saldhigga ku sugnaa waxay jab xoogleh gaarsiiyeen Khawaarijta oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaan tegnay goobihii ay ku baxsadeen oo dhaawacyo iyo meydadkooda ay ku jiiteen” ayuu mar kale yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Ujeedka ay kooxda weerarkan ka damacsaneyd ayuu sidoo kale ku sheegay inay isaga jeedineysay culeyska iyo cadaadiska ka soo food saaray howlgallada ka socda gobollada.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee ka dhacaya gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ifka Xalane, kaas oo lagu dilay shaqaale ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyay duqa Muqdisho.

Sidaan oo kale As waxa ay horey ugu soo weerareen degmada Dayniile oo iyana ku taalla koonaha magaalada, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare xoogan.

Like it? Share it!

Leave A Response