Safiirkii Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley oo is casishay

by admin | Wednesday, Oct 10, 2018 | 898 views

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay is casilaad kedis ahayd oo ay u soo gudbisay wakiilkii dalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley.

Trump ayaa u sheegay weriyaasha in Mrs Haley ay booska baneyn doonto dhamaadka sanadkan kadib markii ay howl wanaagsan soo qabatay.

Haley oo ah 46 jir hore u soo noqotay guddoomiyaha gobolka South Carolina ayaa ka mid ahayd dumar faro ku tiris ah oo ku jira madaxda sarsare ee maamulka Trump mana sheegin sababta  rasmiga ah ooay isu casishay kadib labo sano oo ay ahayd safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay.

Hase yeeshee haweeneydan ayaa beenisay warar sheegayay in ay qorsheynayso in ay  u tartanto jagada Madaxweynaha Maraykanka sanadka 2020.

Mrs Haley ayaa u sheegtay saxafiyiinta inay u ololeyn doonto iyadoo farta ku fiiqeysa Mr Trump. “Ma jiro wax ii qorsheysan inaan sameeyo iyo halka aan u socda.”ayay tiri Mrs Haley.

“Waxay ahayd siddeed sano oo waqti adag ah waxaana aan rumeysnahay inuu jiro xilli xadeysan.”ayay sii raacisay iyadoo tilmaameysay inay shaqo badan soo qabatay oo ay daalan tahay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu saddex toddobaad kadib magacaabi doono shaqsigii bedeli lahaa Mrs Haley. Haweeneydan oo waalidkeed ay ka soo jeedaan dalka Hindiya ayaa loo magacaabay xilka ay iska casishay bishii November 2016.

Like it? Share it!

Leave A Response