Ciidamada dowladda oo Howlgal ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

by admin | Friday, May 3, 2019 | 708 views

Wararka ka imanaya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda fedraalku ay saakay howlgalo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Howlgalkaan ayaa ka socda deegaano hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaana kuwii ay shalay kala wareegeen Alshabaab waxaana ay sheegeen in ay sii socondoonaan howlgaladaan.

Maalmihii ugu dambeeyay howlgal xoogan ay aka socday gobolka Shabeellaha hoose waxaana samaynayay ciidamada dowladda gaar ahaana guutada-ka October oo deegaano badan ka saaray Alshabaab

Like it? Share it!

Leave A Response