Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda oo maanta ku shiraya Garowe

by admin | Saturday, May 4, 2019 | 665 views

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland uu ka furmo shirweyne looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Sare ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan Magaalada Garowe, waxaana hadda halkaasi ku sugan Madaxda maamul goboleedyadda intooda badan marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo kusii jeedda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay gaaray Garowe, waxaana  xalay halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyadda ee ku sugan Garowe.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad cusubi ka dhalatay sharci doorasho oo  ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response