Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Maamulka Jubbaland,taas oo la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.
Saraakiil ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta oo ka dhacday degmada Saakow lala beegsaday Xarun uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in ilaa iyo dhowr qof lagu dilay weerarkaasi duqeynta ah ee xalay ka dhacday degmada Saakow.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin duqeynta la sheegay in xalay ka dhacday degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka,waxaana inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Mareykanka oo taageera Millateri siiya Dowladda federaalka Soomaaliya.