Agaasime Koofi”Waxaa jira goobo uusan ka dhaqan gelin Amarkii Dowladda”

by admin | Friday, Apr 10, 2020 | 448 views

Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Korneyl Maxamed Aadan Koofi ayaa ka hadley Go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku xirtey Xaduudaha dalka iyo meelaha qaar oo la sheegay in uusan ka dhaqan gelin.

Waxaa uu sheegay isaga oo la hadlay Voa-da in Ciidamada Ammaanka iyo Hay’adda socdaalka amarada lagu xiray Xaduudaha dalka si loga hortago Cudurka Coronavirus,isaga oo qorey inay jiraan meelo kamid ah dalka oo Amarkaasi uusan ka dhaqan gelin.

Agaasime Koofi ayaa hadalkiisa intaasi waxaa uu ku darey inay socdaan dadaalo kale oo lagu doonayo in lagu dhaqan geliyo amaradaas,isla markaana ay kala kaashanayaan Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa xilli dowladda ay horey ugu dhawaaqdey in la xiray Xaduudaha dalka lana joojiyey duulimaadyada Caaamiga ah,hayeeshee Magaalada Muqdiho iyo Magaalooyinka qaar si caadi ah Jaad (Qaad) lagu soo geliyo.

Like it? Share it!

Leave A Response