Al-Shabaab oo shaacisay in Wiil iyo Aabihiis ay ku dishay dalka Kenya

by admin | Wednesday, Aug 14, 2019 | 636 views

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerar qorsheysan ay ku qaaday tuulada Sinow oo hoostagta  magaalada Mandheera ee gobolkaasi.

Weerarkan ayaa waxa ay Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay Wiil iyo Aabihiis oo kala ah sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in weerar kale oo khasaaro geystay ay ku fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada Gaarisa iyo deegaanka Yunbis ay ku gubtay gaari kunteenar siday oo ay lahaayeen UN-ka, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ay nolosha ku qabteen labo nin oo darawallo ka ahaa gaarigaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Kenya oo ku aadan weeraradaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response