Al-Shabaab oo weeraray degaano ka tirsan Gobolka Mudug & faah faahin laga helay

by admin | Wednesday, Feb 17, 2021 | 298 views

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerareen degaanka Jiiqdheere oo u dhow degaanka Bacaadweyne, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degaanka Jiiqdheere, hayeeshee Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad & dadka degaanka oo iskaashanaya ay suurtagashay inay degaanka dib ula wareegaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay degaanka Jiiqdheere ay ku dhinteen Saddex Ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen lab kale oo ku sugnaa degaanka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degaanka Jiiqdheere ay uga dileen 5 Xubnood, sidoo kale Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen degaanka Bacaadweyne, balse aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Degaanka Bacaadwyene iyo degaano kale oo ku dhow ayaa waxaa horay dagaalo culus ay ku dhex-mareen Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo iskaashanaya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, dagaaladaas oo sababay khasaaro nafeed, mid hantiyadeed iyo Barakaca Boqolaal qoys.

Like it? Share it!

Leave A Response