Amar kasoo baxay Taliyaha Booliska kadib Eedeynti Midowga Musharixiinta.

by admin | Tuesday, May 4, 2021 | 291 views

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku Ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta iyo hantidooda.
War kasoo baxay Taliyaha ayaa waxaa lagu booriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si wanaagsan ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, xilli ay jiran in marraka qaar Ciidamada ay dhibaateeyaan Shacabka.

Amarkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa u muuqda mid la doonayo in meesha looga saaro eedeyn ku saabsan in Ciidamada dowladda loo adeegsadao Arrimo siyaasadeed.
Midowga Musharixiinta iyo inta badan Mucaaradka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxda muddo xileedkooda uu dhamaaday inay Ciidamada kala qeybiyeen, sidoo kale ay u adeegsadaan dadka kasoo horjeeda siyaasadooda.

Like it? Share it!

Leave A Response