Ammaanka Xudur oo la adkeeyay & RW Kheyre oo ku wajahan

by admin | Monday, Sep 9, 2019 | 730 views

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo haatan ku sugan Magalada Baydhabo.

Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale Wadooyinka degamadaasi la suray booray lagu dhejiyay Sawirka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Xudur ay gaaraan wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,kuwaas oo diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response