Al-Shabab oo joojiyey dhismihii garoonka Stadium MUQDISHO lagu waday

by admin | Monday, Sep 9, 2019 | 536 views

Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay guud ahaan dhismihii Garoonka.

Al-Shabaab ayaa ku amray shirkadda ay dowladda federaalku siisay qandaraaska lagu dayactirayo garoonka  in ay joojiso dhismaha ay ka wado halkaasi.

Shaqaalaha ayaa sheegay in mid-mid loola soo xariiray iyadoo loogu goodiyay in la dilayo haddii ay soo xaadiraan shaqada dhismaha garoonka. Waxaa sidoo kale amar la siiyey madaxda shirkadda.

Talaabadaan ayaa sababtay in gabi ahaanba uu joogsado dhismihii dib u dayactirka ee ka socday garoonka Stadium Muqdisho.

Sidoo kale xubnaha ka tirsan shaqaalaha shirkadda ayaa xiqiijiyay inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo mas’uuliyiinta shirkadda oo doonaya in ay wada xaajood la galaan  Al-Shabaab, si loogu fasaxo dhismaha ay qandaraaska ku qaateen ee ka socday garoonka cayaaraha.

Garoonka ayaa waxaa hadda dagan ciidamo Boolis ah, kuwaas oo u babac dhigi waayay hanjabaada Al-Shabaab kaga imaaneysa shirkadda iyo shaqaaleheeda ku howlanaa dhisnmaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqduisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada AMISOM sanadkii hore kala wareegtay garoonka, kuwaas oo daganaa in ka badan Todoba sano, waxeyna dajisay ciidamo boolis ah, iyadoo balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dayactir loogu sameyn doono.

Al-Shabaab ayaa ku dhiirada in ay hakiyaan dhismayaasha ay gacanta ku hayaan dowladda iyo shirkadaha xariirka la-leh, waxeyna ku xujeeyaan in ay bixiyaan lacag si loogu fasaxo dhismahooda.

Shaqaalaha iyo shirkadaha dhismooyinka oo naftooda u baqaya iyo ayaga oo og in dowladda aysan ka bad-baadin karin Al-Shabaab, ayaa inta badan qaata amarka Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response