Reer Koonfur Galbeed oo ayaga oo magdhow doon ah, dil kale maanta kala kulmay ciidamada Kheyre

by admin | Monday, Sep 9, 2019 | 544 views

Iyadoo odayaasha Koonfur Galbeed ay maanta la kulmeen ra’iisul wasaare Kheyre, ayaga oo kala hadlay dadkii ay ciidamada dowladdu ku dileen magaaladaas iyo in magdhow laga bixiyo, ayaa ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay galabta Baydhabo ku dileen qof shacab ah.

Xilli uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kusii jeeday dhagaxdhiga garoon lagu cayaaro kubadda Cagta oo lagu magacaabo Dr. Ayuub, ayaa askar ka tirsan ilaalada Kheyre waxa ay toogasho ku dileen ruux shacab ahaa.

Qofka ay toogteen ciidamadu oo watay gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa waxaa la sheegay inay isku soo dhawaadeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Gaarigii uu watay marxuumka ayaa mar khura rasaas la huwiyay, waxaana la sheegay in looga shakiyay inuu qarxi rabay, sidaasna ay ku toogteen. Ruuxa la dilay ayaana ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dilka askarta ilaalisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay u geysteen qofkaas shacabka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay magaalada Baydhabo ay iskugu soo baxeen dad kasoo horjeeda imaatinka Kheyre ee magaalada Baydhabo.

Dibadbaxyaasha ayaa watay boorar uu ku sawirnaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo dabayaaqadii sanadkii tagay laga soo xiray Baydhabo isaga oo musharax ah.

Bulshada reer Baydhabo ayaa intooda badan kuu sheegaya inay ka careysanyihiin joogitaanka Kheyre ee magaaladaas, iyagoo caradooda u sababaynaya dadkii gaarayay 12-ka ruux, oo ay Baydhabo ku dileen ciidamo ay xukuumaddu kasoo daabushay magaalada Muqdisho iyo xariga loo gaystay Sheikh Muqtaar Roobow.

Sidoo kale xiliga uu Kheyre aadayay garoonka ayaa waxaa guud ahaan hawada laga saaray is-gaarsiinta magaalada Baydhabo, taas oo maqneed tan iyo markii uu dib ugu laabtay hooyga laga dajiyay magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response