Maxbuus Shabaab ahaa oo xalay ka baxsady saldhig ku yaalla MUQDISHO

by admin | Monday, Sep 9, 2019 | 519 views

Wararka aan ka helayno Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Saldhiga Degmadaasi uu ka baxsaday nin ka mid ahaa maxaabiista ku xirnaa.

Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen irida hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa eryaday mid ka mid ah askartii banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qaban waayay.

Askari kale oo aan aheyn kii xabada dusha sare u riday ayaa la sheegay inuu qabtay ninka maxbuuska ah, balse muddo Shan daqiiqo ah oo ay dagaalamayeen askariga iyo m axbuuska, islamarkaana shaqsiga maxbuuska uu la qabsaday qoriga ugu dambeen uu mar kale baxsaday maxbuuskii.

Maxbuuska ah ayaa la sheegay inuuka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay u suuragashay gabi ahaanba gacanta Ciidanka & Saldhiga inuu ka baxsado.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi oo lagu magacaabo Maxamed Mooshin, ayaa la sheegay inuu 20 daqiiqo kadib yimid, isla-markaana uu canaan ku bilaabay askartii shaqada ku qornayd iyo askarigii haayay furaha qolka maxbuuska ku xirnaa.

Saldhiga Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa aad u habacsan, waxaana askarta ku sugan lagu eedeeya kuwa aanay feejignaan ka muuqan.

Like it? Share it!

Leave A Response