Askar Badan Oo NISA Ka Tirsan Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Isgoyska Bakaaraha

by admin | Thursday, Jul 27, 2023 | 179 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan Nabad Sugida oo ku sugna isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu tuuray ciidamo dharcad ah oo baarayay gawaarida soo aada dhinaca isgoyska Dabka, iyadoo jugta qraxaasi laga maqlay xaafado badan oo kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee bartmaha caasimada.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan askari oo ka irsan ciidamada bistooladaha ku hubeysan ee dharcadka loo yaqaanno, iyadoo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

Taliyaha Nabad Sugida ee degmada Howlwadaag Gaashaanle Maxamnd C/qaadir Shakiib ayaa gaaray goobta weerarkan uu ka dhacay, wuxuuna sameeyay howlgal balaaran oo lagu soo qabtay dhalinyaro looga shakisan yahay iney mas’uul ka yihiin falkaasi, waxaana lageeyay saldhigga booliska ee degmada Howlwadaag.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan faraha kasii baxaya, iyadoo bilowgii todobaadkan qof isa soo miidaamiyay uu dhex galay ciidamo la feylinayay oo ku sugnaa gudaha xerada kuliyada Jaale Siyaad, iyadoo weerarkaasi lagu dilay 30 askari.

Like it? Share it!

Leave A Response