Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Maamulka gooni u goosadka Somaliland ayaa kala saaray labo boys oo isku haystay nin la sheegay inuu 43 sano ku xirnaa dalka Itoobiya, kaasoo markii xorriyadiisa helay lasoo gaarsiiyay magaalada Hargeysa. Axmed Siciid Aw. Ismaaciil oo ah Kaftan ka tirsanaa ciidamadii Dawladdii Soomaaliya ayaa si weyn baraha bulshada uu faafay, waxaana qoys ka mid ah labada dhinac ee isku...

Inta la aqiijiyay ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay afar kalena waa ay ku dhaawacantay, kaddib qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxan oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay maqaayad ku taala deegaanka, waxaana dadka dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaartay isugu jiraan dad rayid iyo askar. Wararka ayaa sheegaya...

Warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen, saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wuxu ku boorinaya Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay ku qabtaan Dhuusamareeb shirka muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka sidii loo qorsheeyay. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in laga fogaado go’aan kasta oo...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug halkaasi oo uu ka furmi doona Shirka Dhusamareeb 3. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Dhuusamareeb. “Iyada oo la tixraacayo...

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay taasoo lagu xusaayo sanad guuradii 14-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay maamulkii ugu horeeyay ee sita magaca Galmudug. Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug la aasaasay 2006 dii , islamarkaana dib loo mideeyay 2015-kii asagoo sheegay in Galmudug...

 Fatahaado xooggan ayaa laga cabsi qabaa iney ka dhacaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kadib markii la sheegay in joogga biyaha webiga Shabeelle ee mara magaalooyinkaas ay sare u kaceen. Wasaaradda arrimaha bani aaddanimada iyo ka hortagga masiibooyinka oo dhowaan war soo saartay ayaa ka digtay khatarta ka imaan...

Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah. Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan,isaga oo ugu baaqay inay ka...

Dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay weeraro loo adeegsaday bam-gacmeed. Degmooyiinka Weeraradan ay ka dhaceen ayaa kala ah 1- Xarunta Degmada Dharkeenley 2- Xarunta Degmada Wadajir 3- Xarunta Degmada Waaberi 4- Waaxda Kordamac ee Degmada Dayniile 5- Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere 6- Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid 7- Xarunta...

Waxaa xalay weeraro bambaano lagu qaaday ilaa ku dhowaad 10 xarumood oo ka tirsan Xarumaha degmooyinka Maamulka gobolka Banaadir,weeraradaas oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Xarumaha weerarada bambaano lagu qaaday ayaa waxaa kamid ah, degmooyinka Boondheere Wadajir, Kaaraan, Waabari, Shibis, Yaaqshiid, Dharkenleey, Deeyniile iyo degaanka Garasbaaleey,waxaana...

Ilhan Cumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood...