Banaanbaxyada Mareykanka oo lagu boobay ganacsiyo Soomaali leeyihiin

by admin | Monday, Jun 1, 2020 | 451 views

Kooxo burcad ah ayaa boob u geystay hanti ay dad Soomaali ah leeyihiin kaddib markii ay ka faa’iideysteen mudaharaadyo lagu muujinayo carada ka dhalatay dilka nin Mareykanka madow ah oo ka socda magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Mareykanka,
Gobolkaas oo ah midka ay Soomaalida ugu badan uga nool yihiin Mareykanka ayaa waxaa ku yaalla xarumo ganacsi oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed leeyihiin.

Ilaa hadda si rasmi ah looma qiimeynin khasaaraha ka dhashay bililiqeysiga loo geystay ganacsiyo isugu jira kuwo ay leeyihiin bulshooyin kala duwan.

Axmed Cabdiraxmaan Maxamuud, oo ka mid ah dadka goobahooda ganacsi la dhacay ayaa la sheegay in xaafadii ay kaloonida buuxda ku qabeen oo hantidooda ay ku imaanineyn in hanti badan looga boobay.

“Dhibaatada nasoo gaartay way ka khafiifsan tahay markii la barbar dhigo tan ku dhacday umadaha kale iyo wixii dhibaatada sababay oo ah geeridii ku timid ninka muwaadinka ah. Annagu dukaan caafimaadka indhaha ah baan ku lahayn xaafaddan foonfurta Minneapolis oo meelo ka mid ah ay rabshadaha ka dhaceen. Ganacsigeennii wuxuu ka mid ahaa kuwa ay tuugadu weerartay habeen hore,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in qalabkii laga boobay ay ka mid ahaayeen “muraayadaha indhaha iyo kumbuyuutarro”.

“Markii dambe nasiib wanaag waan kasoo gaarnay, oo qalabkii intiisa badnaa waan ceyminay. Waxaa qeylo dhaan nasoo gaarsiiyay ganacsato kale oo aad halkaas daris ku ahayn”.

Dadka dibadbaxyada rabshadaha wata sameynaya ayaa ayaa ka careysan dil la sheegay in ay booliska gobolka u geysteen nin madow oo aan hubeysnayn.

Like it? Share it!

Leave A Response