Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Soomaaliland oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaawday Tukaraq

by admin | Monday, Jun 1, 2020 | 452 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo muddo sanado ah ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Dadka deegaanka Tukaraq ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland oo wata Gaadiidka dagaalka ay saakay isku fidiyeen meelo badan oo kamid ah deegaanka Tukaraq.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Soomaaliland ay Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo horleh ay geysan deegaanka Tukaraq oo ah furin dagaal oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Dadka deegaan ka Tukaraq qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dhow yihiin inay deegaanka ka barakacaan baqdin laga qabo in dushooda lagu dagaalamo,isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Horay ayaa dhowr jeer waxaa dagaal culus uu deegaana Tukaraq uu ku dhex-maray Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo isku heystay gacanta ku heynta deegaankaas, iyaga oo guulo ka kala sheegtay dagaalkii ay wada galeen.

Like it? Share it!

Leave A Response