Barakac ka bilaawday Xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo

by admin | Saturday, Dec 19, 2020 | 335 views

Wararka laga helayo dgemada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo barakac ay sameeynayaan qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaas.

Dadka qaarkood ayaa la sheegay inay ka cabsi qabaan inay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo & Ciidamada Wasiir Janan iyo kuwo kale oo ay dowladda Kenya soo hubeeysay.

Xaafada degmada Beled-Xaawo ee laga barakacay ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Qansax Barwaqo, Xashawe iyo dhabad, kuwaas oo la sheegay in dadka badi ay ka barakacaa.

Dad ku sugan degmada Beled-Xaawo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Gudaha degmada iyo dhinaca magaalada Mandheera lag dareemayo abaabul dagaal gaar ahaan Goobta ay ku sugan yihiin Ciidamadii horay looga saaray Beled-Xaawo ee jubbaland.

Xiisada dagaal iyo barakaca ka bilaawday degmada Beled-Xaawo ee Gobolka ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta dowladda Soomaaliya qoraal ay soo sartay ay ku sheegtay in dowladda Kenya ay jabhad ku hubeyneyso duleedka Mandheera si ay u soo weeraraan degmada Beled-Xaawo.

Like it? Share it!

Leave A Response