Beesha Caalamka oo joojinaysa taageeradda ay siiso maamulka Koonfur Galbeed

by admin | Tuesday, Jan 1, 2019 | 857 views

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Nicholas Haysom oo warqad u qoray wasiirka amniga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, 13-kii bishii Diseembar, iyo dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale.

Arrinta kale ee lagu xusay warqaddaasi ayaa ah xarigga 300 oo qof oo kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhashay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo qaarkood la sheegay in xabsiga lagu hayay wax ka badan 48 saac balse markii dambe la sii daayay intii u dhaxaysay Diseembar 18 ilaa 22.

Waxa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xirnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegya in Qaramada Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Waxa uu Haysom warqaddaasi ku sheegay inuu warqad ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain kuwaasi oo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada boolisika Koonfur Galbeed iyaga oo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidnaka booliiska Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeediyay Taliyaha ciidamada Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response