Golayaasha deegaanka Hirshabelle oo la dhisayo iyo edeyn loo jeediyay wasaarada arimaha gudaha hirshabeele.

by admin | Tuesday, Jan 1, 2019 | 810 views

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday in dhawaan ay qorsheynayaan in ay dhisaan golaha deegaanka ee maamulka Hirshabeelle.Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in bisha Janaayo ee ina soo aaddan ay si rasmi ah u guda gali doonaan howlaha iyo qorshayaasha maamulka ee ku aaddan dhismaha golaha deegaanka Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa ugu horreynba sheegay in dhismaha golaha deegaanka laga bilaabi doono degmada Bula-burde .

“Degmada Buula-burde waxay nasiib u heshay in lagu bilaabo dhismaha golaha deegaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle, bisha Janaayo waxaan rajeyneynaa in si rasmi ah aan u bilowno dhismaha golaha deegaanka, wajiga koowaadna waxaa lagu bilaabi doona Buula burde”ayuu yiri wasiir Caadle.

Wasiirka ayaa dadweynaha u sheegay in reer Hirshabeelle ay u madax bannaanyihiin in ay doortaan cidda aayahooda ka talineysa, wuxuuna wasiirku tilmaamay in hadda wixii ka dambeeya dadka deegaanka ay si dadban u dooran doonaan guddomiyaha isaga oo xaqiijiyay in maamul aan loo soo magacaabi doonin,
Wasir Caadle ayaa intaas sii raaciyay in guddoomiyihii gudan waayaa xilkiisana ay dadweynuhu kala noqon doonaan kalsoonida.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu dadaal xooggan ugu jiro sidii sare loogu soo qaadi lahaa fahanka dowladeed iyo guud ahaan wacyiga bulshada Hirshabeelle isaga oo carrabaabay in xukuumadda haatan jirta ay xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Bula-burde ay u tababartay sidii bulshada qeybaheeda kala duwan wacyi gelin uga siin lahaayeen hannaanka dhismaha golaha deegaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response