Wasiir Cawad oo faahfaahiyay eryida Wakiilka QM

by admin | Wednesday, Jan 2, 2019 | 732 views

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amray wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

Cawad ayaa sheegay in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in uu ilaaliyo hanaanka Arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, islamarkaana uu dhowr jeer Sameeyay falal ka baxsan Sharciga Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli  Wasaaradda Arrimaha dibadda ay xalay Amartay Haysom in uu si deg deg ah dalka uga baxo.

Like it? Share it!

Leave A Response