Seddex arin oo sabab u aheyd in Al Shabaab aysan maxkamad xukumin lagu toogto Baardheere

by admin | Wednesday, Jan 2, 2019 | 757 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku toogtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo 7 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Todobada ruux ee la toogtay ayaa kamid ahaa sagaal ruux oo ku xirnaa saldhiga degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen inay fulinayeen amarkii kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidamada ee ahaa in la toogto dadka Al Shabaab ah ee la qabto.

Magacyada dadka latoogtay ayaa lagu kala sheegay Suleymaan Maxamed Sheikh, Maxamuud Maxamed Buule, Maxamed Cabdi Cali, Maxamed Yuusuf Isaaq, Aadan Carabeey Xalane iyo Maadeey Xaaji Macalin.

 

Dhamaan dadkaan ayaa la toogtay iyadoo aysan maxkamad xukumin, waxaana saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Baardheere ay sheegeen inay fulinayeen amarkii ahaa Al Shabaabka la qabto in lagu toogto halka ay joogaan.

Faarax Maxamed Turbac oo ah taliyaha ururka 49 ee ciidamada meletariga ayaa sheegay in ragga la toogtay seddex arin ay u toogteen, waxaana uu ku kala sheegay inay qirteen inay Al Shabaab ka tirsan, amarkii madaxda ka sareysay ay soo saareen iyo inay 14 ruux ku dileen degmada Baardheere.

Waa ragii ugu horeeyay oo amarka taliska ciidamada kadib ay toogtaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response