Biden oo Putin ku tilmaamay qof macangag ah

by admin | Thursday, Jun 29, 2023 | 177 views

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Vladimir Putin uu noqday “Macangag ku ah” adduunka oo dhan, uuna si cad u luminayo dagaalkiisa Ukraine iyo sidoo kale dagaalka gudaha.

Mr Biden ayaa intaa ku daray in ay adagtahay in la sheego in hogaamiyaha Ruushka uu ku wiiqay gabood falladii todobaadkii hore ay sameeyeen calooshood u shaqeystayaasha Wagner.

Qaar ka mid ah ayaa la siiyay meel nabdoon oo ku taal Belarus, oo xuduud la leh Poland.

Madaxweynaheeda Andrzej Duda, ayaa sheegay in joogitaankooda uu khatar ku keeni karo Poland, iyo sidoo kale Lithuania iyo Latvia.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in NATO ay tahay inay fariin toos ah u dirto Wagner shir madaxeedka bisha soo socota.

Like it? Share it!

Leave A Response