Xiisadda culus oo ka taagan Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

by admin | Thursday, Jun 29, 2023 | 193 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad dagaal oo maanta duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Xiisadda ayaa si gaar ah uga taagan bariga magaalada, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada hubeysan ee labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga Somaliland iyo ciidanka deegaanka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo uga sii dareyso xiisadda taagan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay heleen gurmadyo kala duwan oo ciidan ah, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyay gaaray duleedka Laascaanood, si ay ugu biiraan dagaalka ka socda halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo SSC-Khaatuma oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay.

Duqeymaha ayaa si gaar ah u saameeyay xarumo ku yaalla bartamaha Laascaanood, kuwaas oo isugu jiro guryo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo goobo ganacsi intaba.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Like it? Share it!

Leave A Response