Booliiska oo shaaciyay khasaaraha Dagaalkii Muqdisho iyo sida laga yeelayo Jeneraal Sheegow

by admin | Saturday, Aug 19, 2023 | 148 views

Waxaa xalay ilaa saakay dagaal xooggan oo dhiig ku daaday xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dhax marayay ciidamo katirsan kuwa xasilimta caasimadda iyo ciidamo ammar qaadanayay sargaal katirsanaa milatariga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ciidamada ammaanka soo afjareen saakay sagaalkii subaxnimo, waxa ayna ciidamada gacanta kusoo dhigeen Jeneraal Sheegow iyo qaar badan oo kamid ah ciidamadii uu ku heestay gurigiisa ee dagaalka la galay ciidanka xasilinta.

Afhayeenka ciidanka booliiska oo goordhaw warbaahinta kula hadlay saldhigga booliiska Dharkeenley ayaa sheegay in ciidamada soo afjareen dagaal uu ugu magac daray sareynta sharciga , waxa uuna xusay in ciidamada xireen Sargaal Sheegow iyo ilaaladiisa.

Waxa uu sheegay afhayeenka in hadda gacanta lagu hayo Jeneraal Sheegow iyo 24-nin oo u dagaallameysay, waxa uuna xusay in raggaasi la qabtay shan kamid ah dhaawac yihiin lana daweenayo, waxa uuna xusay in raggan loo gudbin doono maxkamadda ciidamada.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka ku dhinteen saddex nin oo labo kamid ah ahaayeen ciidankii Jeneraal Sheegow ,halka kan kalana uu katirsanaa ciidamada ammaanka, waxa uuna xusay in ay dagaalka ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-qof oo kale , isagoona cadeeyay in dagaalka uusan khasaaro kasoo gaarin shacabka.

Waxa uu ku eedeeyay afhayeenka in sargaalkan iyo ciidankiisa falal ammaan daro gaar ahaan dhac kawadeen xaafado katirsan Wadajir iyo Dharkeenley, waxa uu  xusay in gurigaasi saldhig u ahaa burcad falal ammaan darro caasimadda kawaday.

Warkan kasoo baxay booliiska ayaa imaanaya xilli xalay ilaa saakay dagaal  u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo kuwa ammar qaata Sheegow ka socday xaafada Kaawa Godey ee degmada Dharkeenley, dagaalka ayaana saameyn badan caasimadda ka abuuray.

Like it? Share it!

Leave A Response