Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay mudo 7-sano Gowracayay Bisad dadkana ka iibinayay{sawiro}

by admin | Tuesday, Jun 26, 2018 | 1108 views

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa si caro leh u baacsaday nin la sheegay inuu gowrici rijay basadaha sii uu uga ganacsado.

Waxayna markaasi ku arkeen isagoo maqaarka kaga bixinaya bisaad goob fagaare ah.

Waxaana markii dambe badbaadiyay booliska deegaanka oo gacanta ku dhigay ninkan ka ganacsado hilibka bisadaha.

Ninkan oo lagu magacaabo James Mukangi ayaa qirtay inuu gacantiisa ku gowracay ilaa 1000 bisadood islamarkaasna uu ganacsiga bisadaha ku howlnaa 7-dii sanno ee lasoo dhaafay.

Wuxuuna sheegay in hilibka bisadaha uu gayn jiray ganacsato ku dhaqan magaalada.

Githua Kaba oo ah sarkaal u qaablisan caafimaadka xoolaha ayaa sheegay in ka gancsiga hilibka bisadaha uu maamnuuc ka yahay Kenya.

Ninkan wuxuu sheegay in faa’iido ahaan uu ka helay ka ganacsiga hilibka bisadaha adduun gaaraya $50,000.

Image result for bisad laqalayImage result for bisad laqalay

 

Like it? Share it!

Leave A Response