Booliska oo sheegay in dad loo qabtay dilka Guddoomiyihii degmada Xamar jajab

by admin | Saturday, Apr 17, 2021 | 294 views

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo dilkii xalay loo geystay Xaafada Sarkuusta Guddoomiyihii Maamulka degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in aysan weli cadeyn qaabka uu u dhacay dilka Gudoomiyaha, balse ay hayaan eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas.

“Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka Guddoomiyihii degmada Xamar jajab loo adeegsaday Baangad madaxa looga dhuftay markii uu dhaawacmayna la gowracay.

Like it? Share it!

Leave A Response