Cabsi xoogan oo laga qabo inuu Fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne

by admin | Saturday, Apr 8, 2023 | 281 views
Webiga Shabeelle ee dhaxmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wada biyo aad u farabadan oo cabsi badan ku beeray dadka ku nool xaafadaha magaalada Baledweyne.
Biyahaan aadka u badan ee uu keenay wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii daadad badan oo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da’ay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ay kusoo rogmadeen  Wabiga.
Heerka lagu cabiro biyaha Wabiga ee dhexmara Baledweyne ayaa hadda gaaray meeshii ugu sareysay, waxaana laga cabsi qaba inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle.
Hay’adda cunada iyo beeraha ee FAO iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa si wada jir ah ugu baaqay shacabka ku nool xaafadaha Baledweyne iney ka feejignadaan fatahaad uu sameyn karo webiga Shabeelle ee dhaxmara Baledweyne.
Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in dadaalada biyo xireenada ee horay looga hirgeliyay Baledweyne iney wax badan ka tareen fatahaadii uu geysan jiray webiga Shabeelle marka uu gaaro heerka uu haatan marayo oo sababi jirtay in laga barakaco Baledweyne.
Like it? Share it!

Leave A Response