Wa sidee saaka xaaladda Magaalada Laas-Caanood kadib dagaalo ka dhacay?

by admin | Friday, Apr 7, 2023 | 247 views

Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa deganka ee la Magac baxay SSC.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in weli ay dareemayaan cabsi xoogan maadaama dhinacyadu ay weli isku hor-fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay ee duleedka Magaalada Laas-Caanood.

Dhinacyada ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray gurmadyo kala duwan, si midba midka kale uu isaga difaaco hadii uu weerar kaga yimaado.

Shalay ayaa kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland waxaa ay ku dhawaaqeen inay muhiim tahay in Magaalada Laas-Caanood laga sifeeyo Ciidamada Puntland & Kooxaha Argagaxisada ah sida ay hadalka u dhigeen.

Muddo ku dhow laba bilood ayaa waxaa duleedka Magalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dagaalamaya Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC, iyada oo dagaalkaas aan wax natiijo ah laga gaarin.

Like it? Share it!

Leave A Response