Dagaal markale dhexmaray Soomaalida & Canfarta & khasaaro ka dhashay

by admin | Friday, Apr 7, 2023 | 209 views

Dagaal aad u xooganaa, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu markale Galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida uu ku dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen degaano ay ku sugnaayeen Soomaalida, waxaana dagaalka oo maalmahaan dhacayay kii ugu dambeeyay ku dhintan in ka badan 5 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka Soomaalida oo intooda badan ah Xoolo dhaqato ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta, iyaga oo sheegay inay degaannadooda ka difaacdeen, isla markaana khasaaro ay gaarsiyeen.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dagaalka Galbeedka Gobolka Sit ku dhexmaray Maleeshiyaadka Canfarta iyo kuwa Soomaalida, kaas oo ah mid soo laab laabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response