Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Caruurta Muqdisho oo qarka u saaran in ilaalo loo sameeyo iyo cabsi jirta

by admin | Tuesday, Oct 13, 2020 | 394 views

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya wararka sheegaya xatooyada caruurta iyo afduubka caruurta ku nool degmooyinka gobalka Banaadir.

Hadal heynta ugu weyn ee Muqdisho ayaa bilooyinkaan noqotay caruur badan oo la waayey, qaar la afduubtay oo la soo helay, iyo wararka sheegaya in la soo qabtay kooxo afduubta caruurta iyo haweenka.

Dhamaan sheekooyinkaas iyo dhacdooyin barbar socda ayaa sabab u noqday in waalidiin badan caruurtooda ka joojiyaan waxbarashad,a halka qaar kalane ay dantu ku kaliftay in goobaha waxbarasha geeyaan sidoo kalane ay ka soo celiyaan.

 qaar ka mid ah waalindiinta  muqdisho ayaa ayaa  warbaahinta waxaa ay u shegeen  aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay dadkiisa wajahayaan.

“Waxay xaaladu u muuqataa in caruurta Muqdisho loo yeelo ilaalo u gaar ah, sababtoo ah ma heyno dowlad ilaaliso, anagii ma ilaalin karno oo waxay cuni lahaayeen ayaa raadis naga raba, marka waxaan ku qasbannahay in aan u sameyno ilaalo kuna biilno,” ayuu mid ah  waalidiinta Muqdisho.

“Aniga waxaa Iskuul iyo dugsi ii dhigta 4 canug, dhamaantood waan geeyaa goobaha waxbarashada waana ka soo celiyaa howl badan ayaana iiga dayacantay waana dhibaato culus,” ayey tiri  mid ka mid ah hooyooninka kunool magaalada muqdisho

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Soomaaliya oo arrintaan ku saabsan waxaase sii kordhaya walaaca dhanka ammaanka oo ay wajahayaan caruurta Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response