Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya in uu Hanjabaad uu kala kulmay. Waxaa uu sheegay in 48 saac ee lasoo dhaafay dhanka Xukuumadda uu kala kulmay Handadaad ballaaran oo loogu sheegayay in uu ka baxo Arrimaha Maaliyadda oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa. Xildhibaanka...

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la joojin doono dalbashada  Baasaboorka Soomaaliga kadib markii la sheegay in qandaraaska ka go’ay Shirkadii sameyn jirtay Baasaboorka.Shirkadaan oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaceeda lagu sheegay Ibtikarat waxayna hay’ada socdaalka iyo jinsiyada  Baasaboorada Soomaaliya...

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta Somaliya, C/Qaadir Aadan Maxamed, ayaa ka hadlay halka ay mareyso qorshaha dalka loogu soo guurinayo Hay’adaha Xafiisyada ku leh Nairobi, kuwaasoo ka shaqeeya gudaha Somaliya. Xoghayaha, waxa uu sheegay in qorshahan uu haatan marayo meel wanaagsan, Kaasoo soo maray heerar kala duwan, waxaana uu soo bilwoday Bishii Jnauary, 11-Keeda...

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar. Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana oran jirey Jamiilo Sh.Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka  dambeysay kadib...

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay sheekh caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah. “Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay...

Ururada bulshada rayidka ee dalka Tunsia ayaa ku baaqay in la qabto maanta gelinka dambe dibadbaxyo looga soo horjeedo booqashada dalkaasi uu ku tegayo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Waxay ka careysan yihiin ururadan dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashogji. Aqalka madaxtooyada Tunisia...

Xog-hayaha ururka suxufiyiinta qaranka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka suxufiyiinta qaranku uu aad uga walaacsan yahay sida xukuumaddu ula dhaqanto saxaafadda iyo shaqaalaheedii, waxa  uu kahadlay xarigga suxufi  lagu magacaabo Nuur Ismaciil Sheekh oo uu sheegay in loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe...

Waxaa magaciisa oo saddaxan uu ahaa Sh Cabdi wali Sh Cali Cilmi Yare. Sida uu BBC u sheegay nin aqoon dheer u lahaa sH CabdiWali ayaa da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo lixdan sano. Sh Cabdiwali Sh Cali Cilmi Yare waxaa uu ku dhashay tuulo lagu magacaabo Laguraqsay oo Gaalkacyo qayaastii dhowr iyo lixdan kiilomitir dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan. Waxaa uu xifdinta...

wariyaasha  ka howlgala magaalada  baaldweyen   ayaa uGu baaqay dowlada soomaaliya  iyo urururada  u dodo xuquuqda adanaha  in la sii daayo  Nur Ismail Sheikh    oo u xeran dad  shaqsiyaad ah. sanadka soomaliya ayaa kaalinta koobaad ka gashay xadgubka loo geeysto wariyaasha. ...

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar Qaraxyo loo adeegsaday oo Saakay lagu qaaday xarunta xerta ee Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Shabaab waxa ay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen Wadaadkii Cabdiweli oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya, islamarkaana kusoo caan baxay koox dhalinyaro ah...