Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ka midka ah hawgalka ATMIS iyo Masuuliyiinta Shabeellada Dhexe ayaa kawada Hadley sidii loosugi lahaa amniga wadooyinka muhiimka ah ee gobolka. Shirkaas oo la soo agaasimey si loo helo guulo dhinaca amniga ah loona yareeyo caqabadaha wajiga labaad ee hawlgalka la dagaalanka Al-Shabaab oo mar dhaw ka bilaabmaya gobolada...

Midowga Yurub ayaa ansixiyey lacag dhan 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC. Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay billaabeen qorshe hawleed wadajir ah...

Maxkamad la saaro dadka loo haysto falalka argagixisada oo ku taalladalka Pakistan ayaa ciidamada milateriga ku wareejisay 16 ka mid ah taageerayaasha ra’iisal wasaarihii horee Pakistan Imran Khan, si loo saaro maxkamad milateri, iyada oo loo haysto doorkii ay ku lahaayeen mudaharaadadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalkaas, ka dib markii la xiray Imran Khan. Maxkamaddan...

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay xaafado ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Biyaha wabiga ayaa saameyay afar xaafadood oo ka tirsan degmada waxaana biyaha ay si weyn u saameeyeen Xaafadaha kala ah Wadajir iyo Indhaceel oo lagu soo waramayo iney halkaas ka barakaceen boqolaal qoys. Degmada Buulaburte oo dhacda bartamaha...

Tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka. Natiijooyin horudhac ah oo lasii daayay ayaa muujinaya in ururada Kaah iyo Mideeye ay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinka dhacay shalay. Gobolka Bari oo ah meelaha codadka ugu badani yaaleen...

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in waaberigii hore ee saaka in ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen saldhig Ciidamada howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xilligii la dukanayay Salaadii Subax ay maqleen jug culus oo is xig-xigay iyo dhawaqa rasaasta ay is weeydaarsanayeen...

Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer. Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka ayaa waxaa lagu waramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Kooxda ayaa saldhiga ku weeraray qaraxyo xiriir ah, sida ay VOA u sheegeen...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Qaraxa miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu aasay meel u dhaw bar koontarool oo ay ciidamada Booliisa milataari ku baaraan dadka iyo gaadiidka. Goobjoogayaal...

Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ahna ku simaha Raysal wasaaraha Saalax Axmed Jaamac ayaa diiradda lagu saaray Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare iyo dhaqan gelinta nidaaminta bajaajyada...

33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland. Doorashadan oo ah mid dimuqraadi ah ayaa ah middii ugu horreysay oo degaanada Puntland ka dhacda tan iyo sanadkii 1969, waxayna dadweynuhu safaf ugu jiraan inay codkooda ku doortaan xildhibaanada...