Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Baanka Adduunka oo horraantii 2015-kii, Soomaaliya ka billaabay in uu ka fuliyo mashaariic, ayaa waxa uu wali Soomaaliya ka wadaa ku dhowaad 20 mashruuc, oo ku kacaya in ka badan $3.5 biliyan oo dollar. Bangiga Adduunka ayaa ka taageera hay’adaha dowladda Soomaaliya si ay u horumariyaan dowlad wanaagga, dardargelinta soo kabashada dhaqaalaha iyo in ay shaqooyin u abuuraan...

Wafdi ka socda Booliiska Gaarka ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho kooban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho. Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, S/Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Booliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ku soo dhaweeyey Saraakiisha. Wafdigaan ayaa u...

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada -XFS H.E Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly) oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada- XFS, E Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya...

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay sagaal eedeysane iyo shirkado loo haystay ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, iyaga oo isticmaalaya jawaanno cusub iyo taariikho been ah. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Fal-dembiyeedkaas oo baaristiisa uu...

Ciidanka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen deegano hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada Afmadow oo horey u hayay xogta Xubnoa tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada howdka...

Waxaa lagu wadaa in Maalmaha soo socda uu Magaalada muqdisho ka furmo shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre, kxuigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirkaan kii ka horreeyay oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur oo ka qeyb galaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka socda Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan. Wasiirka ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii...

Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle , ayaa gacanta ku soo dhigay saddex qof oo ku eedeysan inay 22/05/023 tuulada Hiiraan-Bile oo 6KM Beledweyne u jirta ku dileen Marxuum Duqow Hilowle Isaaq, in Hooyo Cadeey Kuusow Cumarow 38 jir. Marxuumka ayaa xiligii la dilay ahaa musaafir ku watay gaariga Hoomi ahaa qoyskiisii, kuwaas oo kusii jeeday...

Iyadoo 24 saac wax ka yar ay ka harsan tahay doorashada golayaasha deegaanka Puntland, ayaa koox dabley ah waxay weerar ku qaadeen sanaadiiq doorashada oo loo waday degmada Burtinle iyo degaano hoos yimaada. Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay Isimada iyo nabadoonada gobolka Nugaal ay xal ka gaareen khilaafkii arrimaha doorashada. Ciidamada gadoodsan ayaa qorshuhu...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmadaas. Dilka ganacsanadahaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taala Xaafada macmacaanka, waxaana dilka kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday dableydii dilka geysatay. Marxuumka...