Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Magaalada Kismaayo waxaa muddooyinkii dambe kusoo kordhayay kiisaska cudurka Cagaarshowga Soomaalida u taqaan (Hepatitis B) kaddib markii lagu xaqiijiyay baaris lagu sameeyay dhowr qof oo xannuunkaan looga shakiyay. Dr. Yuusuf Maxamed Cumar oo kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen 2021 ay heleen illaa 8% baaris ay ku...

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed. Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti. waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo...

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah. Weerarkaan ayaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha. Deegaanka Qaayib ayaa hoostaga degmada Baxdo oo ka tirsan gobolkaasi. Dagaal culus ayaa wali k socda degaanka Qaayib. Waxaa la maqlaya rasaasta...

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegaya xadka kala qaybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli goboladaasi ay in muddo ahba ka socdeen hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka, oo garabsanaya kuwa deegaanka, ayaa la soo sheegaya in ay wadaan abaabul ay kaga gaashamanayaan suurtagalnimada weeraro xilligan kaga yimaada maleeshiyadaasi. Tani...

Saacadihii la soo dhaafay ayaa dagaal saacado badan qaatay uu ku dhexmaray degaanka Ceeldheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe Ciidamada dib u xorreeynta degaannada Gobolka Hiiraan iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku...

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la so dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ka fuliyne degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay ka warheleen Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku aruursanayay duleedka degaanka sabiid, isla markaana...

Waxaa kulan gaar ah magaalada Qardho ku yeeshay Gudiga Amniga Gobolka Karkaar ee Puntland, iyaga oo kulankooda uga hadlay arimaha ammaanka iyo horumarinta, iyada oo gudoomiyay shirka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan. Shirkaan ayaa diiridda lagu saaray, shaqooyinka horumarineed ee socda, u diyaar garawga diiwaan-getinta codbixiyayaasha degmooyinka Gobolka...

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada. Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in weli ay Al-Shabaab gacanta kuhayaan Afar kamid ah degmooyinka Galmudug, ìsla markaana ay dadka kunool kuhaaan dhibaatooyin kala duwan. Madaxweynaha oo soo xiray munaasabadda Caleemo saarka Golaha degaanka degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka Reer Galmudug oo kaashanaya dowladda...

Kadib wadahadallo ka dhacay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu heshiisiiyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Bakaal Kooke. Khilaafka oo salka ku haayay lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Dooloow iyo degaannada kale, waxaana labada mas’uul soo farageliyay oo khilaafkooda xalìyay Saraakiil katirsan...