Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada. Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in weli ay Al-Shabaab gacanta kuhayaan Afar kamid ah degmooyinka Galmudug, ìsla markaana ay dadka kunool kuhaaan dhibaatooyin kala duwan. Madaxweynaha oo soo xiray munaasabadda Caleemo saarka Golaha degaanka degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka Reer Galmudug oo kaashanaya dowladda...

Kadib wadahadallo ka dhacay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu heshiisiiyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Bakaal Kooke. Khilaafka oo salka ku haayay lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Dooloow iyo degaannada kale, waxaana labada mas’uul soo farageliyay oo khilaafkooda xalìyay Saraakiil katirsan...

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan Yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay “inay dhowr jeer cambaareysay Israa’iil iyo Mareykanka.” McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay...

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray guddigii ay hoggaamineysan. Xaliimo Yarey oo xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay xaflad lagu caleemo saaray guddoomiyaha degmadaas iyo golaha cusub ee deegaanka ayaa dalbatay in mar dambe aan loogu yeerin...

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa masuuliyiin xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay caleemo saarka golaha deegaanka iyo guddoomiyaha magaalada ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. Indhacadde ayaa dhaar ku maray in Al-Shabaab aysan qof ka reebeyn Soomaalida ka soo hor jeeda gadii uu joogsado dagaalka ka socda gobollada qaar ee ka dhashay kacdoonka dadka...

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Soo dhaweynta ka dib ayaa waxaa ay labada wasiir ka...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ka soo qabteen Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan, isaga oo Al-Shabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada. War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eeney Ureyn uu Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, waxa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith. Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in...

Kooxo hubeysan ayaa Degmadda Wadajir gaar ahaan Waaxda Tima Cade ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste, kaas oo kamid ahaa musharrixiinta u tartamay kursiga hop#33 oo uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale. Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay dilka geysteen, hayeeshee ay goobta soo gaareen qaar kamid ah...