Dowladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaad horleh u sameeysay Soomaaliya

by admin | Tuesday, Nov 22, 2022 | 20 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya isla markaana lasii adkeeyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku boggaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, isagoona danjira ku booriyay adkeynta xirirka soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

Like it? Share it!

Leave A Response