Ciidamada DFS oo qabsaday Deegaanka Geerille ee Gobolka Galgaduud.

by admin | Friday, Jun 9, 2023 | 141 views

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa ‘AS’ Ka qabsaday deegaanka Geerille oo u dhaxeysa Magaalooyinka Ceeldheer & Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgalkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in ‘AS’ ay kasoo abaabuleen weerarkii 30ka May 2023 ay ku qaadday Magaalada Masagawaay.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin saddex Magaalo oo katirsan Gobolka Galgaduud oo weli ay ku sugan yihiin ‘AS’ kuwaas oo kala ah: Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in howlgallad ka socda deegaannadaan ay muhiim u yihiin adkeynta xadka ay wadaagaan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug.

Abaabul iyo dhaqdhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud iyada oo Saraakiisha Ciidanka Federaalka & kuwa Daraawiishta DG Galmudug ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin deegaannada ka maqan gacantooda.

Like it? Share it!

Leave A Response