Waa maxay qorshaha loo dhimayo ciidanka ATMIS?{AKHRISO}

by admin | Friday, Jun 9, 2023 | 180 views

Askarta Midowga Afrika ayaa laga dhimayaa tirada ay gaarsiisan yihiin si xoogga loo saaro qorshaha la xiriira in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu diyaargaroobaan in si buuxda ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in uu socdo qorshaha lagu yareynayo Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee Soomaaliya tan iyo 2007dii si askarta Soomaalida loogu wareejiyo amniga dalkooda.

Tallaabada askarta Midowga Afrika lagu yareynayo waxaa la qaadayaa dhammaadka bishaan June 2023 sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soosaartay Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Tirsigiisu yahay 2628 & 2670 ayaa dhigaya in la dhimo ama la yareeyo askarta Midowga Afrika ee howlgalka KMG ah ee ATMIS maadaama muddada joogistooda Soomaaliya uu ku siman yahay December 2024.

Haddii aanay muddo kororsi kale loo sameyn Ciidanka ATMIS ama wax ka baddel lagu sameyn waxa ay ku qasbanaanayaan in lasoo afjaro howlgallada Midowga Afrika ee Fasaxa & taageerada ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa qiimeyn lagu hayaa heerka amni ee Soomaaliya, Awoodda Ciidamada Soomaalida ah ay ku maamulayaan deegaannada ay gacanta ku hayaan iyo sida ay u howlgali karaan iyada oo aanay la howlgaleen Askarta ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response