Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Doomo Kalluumeysi

by admin | Monday, Mar 22, 2021 | 297 views

Ciidamada Badda Dowlad Goboleedka Puntland ee ka howgalla Gobolka Gardafuu ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen saddex doonyood oo la sheegay inay si sharci darro ah u kalluumeysanayeenb.
Doonyahaan oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa xilliga la qabanayay waxaa ay ku jireen howlahooda Kalluumeysi, waxaana saarnaa 45 shaqaale ah, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in dhamaan shaqaalaha Doomaha saran la geyn doono Magaalada Boosaaso si sharciga loo horkeeno.
Dhowr jeer ayaa Ciidamada Puntland waxaa ay gacanta ku dhigeen Doomo Kalluumeysi oo Ajaanib leeyihiin, kuwaas oo ilaa hadda aysan soo bandhigin Maamulka Puntland, iyaga oo la maxkamadeeynayo.

Like it? Share it!

Leave A Response