Ciidamo farabadan oo loo diyaariyay wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka Al-shabaab oo lasoo bandhigay

by admin | Sunday, Jul 30, 2023 | 227 views

Waxaa duuleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay ciidamo Macawiisleey ah oo aad u farabadan, kuwaas oo la sheegay in loo diyaariyay ka qeyb galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamadaan Macawiisleeyda ah ayaa tiradooda la sheegay iney tahay 3,000 oo loo diyaariyay iney qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab oo lagu wado inuu dhawaan ka bilaawdo deegaanada maamulka Galmudug.

Ciidamadaan ayaa lagu soo bandhigay dugsiga tababarrada ciidamada Harqaboobe oo ku yaala duleedka degmada Guriceel, iyagoo aad u hubeysan waxaana goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay ciidankaan deegaanka ah masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Faarax Cabdi Macalin oo khudbad u jeediyey ciidanka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qaadanayaan masuuliyada ka saaran suurta galinta sidii ciidankaan ay uga howlgali lahayeen deegaanada la qorsheeyey in laga xureeyo kooxda Al-shabaab.

Munaasabadda ciidankaan lagu soo bandhigay waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA, kuwaas oo la tilmaamay iney lahayeen abaabulka ciidankaan ka socda dadka deegaanka ee lagu soo bandhigay Xerada Harqaboobe.

Mid ka mid ah ciidamada deegaanka ee lasoo bandhigay ayaa sheegay iney diyaar u yihiin la dagaalanka kooxda Al-shabaab, islamarkaana hubka iyo rasaasta uu wato uu kusoo iibsaday xoolahiisa.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u bilaawdo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response