Dhageysiga Eedaha loo heysto mas’uuliyiin musuq ku eedeysan oo ka socota Maxkamadda Gobolka Banaadir.

by admin | Sunday, Jul 30, 2023 | 162 views

Maxkmadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysanaysa dacwadda loo haysto eedeysanayaal ka tirsan hay’adaha dowladda oo horay loogu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Dacwadda ay maanta Maxakamada Gobolka Banaadir dhageysanayso ayaa si gaar ah loogu haystaa saraakiil katirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Masuuliyiinta oo 4 ruux ah ayaa waxaa ay kala yihiin Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, Cumar macxalin Nuur, Saabir Cabdi Xasan iyo Aadan maxamed cabdi.

Dhageysiga dacwadda shaqsiyaadkaan ayaa galaysa markii labaad ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dhageysato, iyadoo Xafiiska Xeer ilaalinta uu soo bandhigay  caddeymo lagu sheegay inay yihiin kuwo caddeyn u ah dambiga loo haysto Xubnahaan lasoo eedeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response