Ciidanka Nabadsugida Somalia oo howlgal qorsheysan sameeyay

by admin | Sunday, Nov 7, 2021 | 221 views

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda Gobolka Gedo ayaa xalay waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee degmada Beled-Xaawo ee Gobolkaasi Gedo.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Taliyaha howlgalinta Ciidanka Nabadsugid degmada Beled-Xaawo Cabdifatax Cumar, waxaana Ciidamada ay ku baarayeen Gaadiidka iyo dadka qaar oo ay ka shakiyaan.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada waxaa ay qab qabteen dad u badan dhalinyaro oo laga shakiyay, kuwaas oo badankood ay Ciidamadu siidaayeen kadib baaritaan dheer oo lagu sameeyay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale indha-indheyn ku sameeyay sida ay habeenkii u Shaqeeyaan goobaha Ganacsiga degmada Beled-Xaawo si qiimeyn loogu sameeyo xaaladda amni ee degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response