Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

by admin | Tuesday, Jul 4, 2023 | 330 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay ka sameyeen inta u dhaxeysa deegaanada Bariire iyo sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay tuulada lagu magacaabo Macalinka oo u dhaxeysa Bariire iyo Sabiid ayaa la sheegay in ciidamada NISA ay ku dileen xubin ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay ka furteen hubkii uu watay.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macalinka oo u dhaxeysa Bariire iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta, iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ciidanka wali wadaan holwgalka, islamarkaana ay sii joogteynayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo looga hortagyo abaabul kasta oo ka imaanaya dhanka kooxda Al-shabaab.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxuu ka mid yahay goobaha ay weli ku xoogan yihiin dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo dagaal toos ah oo dhexmara ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kuwa dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response