Dabaq ku dumay Brazil oo sababay dhimashada Ugu yaraan 8 ruux.

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 131 views

Ugu yaraan 8 ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen 5 kale kaddib markii uu ku dumay guri ku yaalla Waqooyi-Bari ee Dalka Brazil sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda iyo waaxda gurmadka degdega ah.

Waxaa socda baadigoobka Dad la waayay oo loo badinayo in ay ku hoos jiraan Dhismaha dumay iyada oo gaadiidka loogu talagalay in ay qabtaan howshaan la geeyay goobta si ay u qaadaan dhagaxaanta waaweyn.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa sameeyay Gurmad xooggan, waxa ay qaadeen dhagaxaanta fudud, taasi waxa ay suuragelisay in ay ku guuleystaan badbaadinta Dadka dhaawacmeen ee la geeyay Goobaha Caafimaadka.

Dhismaha dumay ayaa ahaa goob loogu talagalay in qayb-qayb loo dego, lama sheegin sababta ka dambeysay in gurigaan uu dumo mana jirno faah-faahin kasoo baxday Dowladda oo dhaafsiisan in gurmadka uu socdo

Like it? Share it!

Leave A Response