Ciidanka DANAB oo miino-baaris ka sameeyay Kismaayo & Afmadow.

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 88 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB oo howlgallo miino-baaris ah ka sameeay Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ay kusoo saareen dhowr miino oo la geliyay Waddooyinka Magaalooyinkaas.

Howlgalkaan ay sameeyeen Ciidanka DANAB waxa ay saraakiisha Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland ay sheegeen in a kusoo saareen dhowr miino oo la geliyay waddooyinka gala Magaalooyinka Kismaayo & Afmadow.

Sarkaal katirsan Ciidanka DANAB waxa uu Warbaahinta u sheegay in Qaraxyada Miinooyinka ay kordheen muddooyinkii dambe iyaga oo ka jawaaabaya cabashooyin xooggooda ka timid Rayidka in ay u sameeyeen howlgalkaan.

Waddooyinka gala Kismaayo iyo Magaalooyin badan oo katirsan Gobolka Jubada Hoose waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti oo soo gaaray Gaadiid dul maray dhulka Miineysan.

Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland & Askarta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa marar kala duwan sameeyay howlgallo ay ku sheegeen in ay kusoo saareen Miinooyin jidadka la geliyay.

DANAB ma sheegin illaa hadda haddii ay jiraan Dad lagu soo qabtay Miinooyinka ay kasoo saareen Waddooyinka muhiimka u ah isu socodka Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response